Ayadoo Soomaaliya tahay wadanka aduunka ugu saboolsan hadana Dadkiisu waa dad markasta la jaanqaada Horumar ka aduunka ka jira.
Tusaale wadankeena waxaa ka jira isgaarsiinta ugu balaaran Afrika, internet xawaarihiisu sareeyo ( High Speed Internet).
Iskaba daa dadka qaan gaarka ah caruurta da'doodu u dhaxeeso 10-15 sano waxa ey ku xariiraan Baraha Bulshada ( Social Networks) sida Facebook, Imo, Instagram, Whatsapp, Viber, IWM.
Ayadoo Horumarkaas jira hadana dadkeyga ugama faa'iideestaan sida wanaagsan, tusaale Aduunka Baraha Bulshada waa meesha laga hago Dowladda, waa halka lagu gudbiyo aragtida wanaagsan ee wax dhiseesa.
Waan amaanaa sidii ey uga dhiidhiyeen ugana hadleen ayagoo adeegsanaao Baraha Bulshada gaar ahaan FACEBOOK GA falkii ey sameeyeen Gobaladda Waqooyi ee ahaa in ey celiyaan shacabkii Soomaaliyeed ee kasoo cararaayay dagaalka YAMAN ka socda, walow eysan isku balansan mudaharaad arintaas ka dhan ah.
Bal si fiican ugu fiirso soomaalidu waxa ey LIKE dhahaan wax eysan akhrin, fahmin ama eysan ka helin, waxa ey COMMENT ka dhiibtaan aragti eysan fahansaneen.
Maka hadlaan dhibka heesta, fakir kama dhiibtaan waxa waaangsan.
Wax yaalaha aan aadka ula yaabo waxaa ka mid ah Nin caan ka ah soomaaliya aa qoraal dheer soo qoraayo oo ugu yaraan lagu akhrin karo 2 daqiiqo, waxaad arkee ayadoo 1 daqiiqo la gaarin in ey 10 qof LIKE dhahday, bal maxey dadkaas LIKE dhaheen??? ma yaqaanaan!!!
Dhibaatada ugu weyn ayaa ah in ey soomaalidu ku qarash gareeso BARAHA BULSHADA waqti aad u badan (ugu yaraan 10 saac maalintii).
Ugu danbeentii aan dhamaanteen u wada isticmaalno Baraha Bulshada si wanaagsan oo aan wax uga badalno wadankeena dhibka ku jira & dadkeena , oo aan wadaagno fakiro wadanka wax looga badli karo. si gaar ah dadka jecel DADKOODA & DALKOODA fadlaan aan is aruursano.
Sido kale qiimo hanoo yeelato LIKE TA & COMMENT GA oo aan siino hadalkii ama sawirkii muta.
MAHADSANIDIIN.





