Tuesday, June 23, 2015

CARUUR TAKOOR!!!


Ayadoo wax kasta uu ALLAH SW hago, hadana Caruurta markasta  waxa lagu abaabiyo (bar-baariyo)  ayey ku koraan.


Tusaale cunuga haduu ku koro guri waalidkii ey  yihiin kuwa dagan oo isjecel isla markaana  wax bartay dhan maadi iyo dhan diini & deegaan dadkiisu  saas yihiin, Cunugaas waxa laga filan karo ayaa ah in uu waalidkiis & deegaankaas dhaqankooda raaco insha ALLAH.

Xiligii Nabigeena NNKH caruurta waxaa la siin jiray mudnaan, oo waxaa loo ka  xeenjiray MASAAJIDA, meelaha dadka isugu imaadaan  si caruurtaas ey ugu barbaaraan jawigaas.


Xitaa waxa ey talooyin ka dhiiban jireen meealaha talada ey  ka dhiibanayaan dadka waaween.Aan usoo dago dulucda hadalkeyga, halkaan soomaaliya, ma ahan meel waxaas wanaagsan ee aan ka soo sheekeeyay  ey ka jiraaan bal cagsigeeda aa ka jirto.


Caruurata malahan daryeel, maheestaan qof ey ku daydaan oo qofkii ey ku dayan lahaayeen waqtina lama qaadanayo, mana ogala in uu meel uu isago joogo ey  yimadaan caruurta.Caruurta  la lama sheekeesto, looma ogalo meelaha wanaaga ka jira in ey  tagaan sida masaajida & goobaha kale ee kheyrka.


Waxaad  arkeesaa hadaad xamar  joogto in caruurta masaajida loo diidaayo, oo la dhahaayo caruurta gadaal ha maraan oo safafka hore lagala baxaayo ama si toos ah loo dhahaayo masaajidka ma imaan karaan caruur.


Su'aal???


Cunuga hadii masjidka laga  ceyriyo ama safafka danbe la geeyo  sidee baa loo raba in uu bari noqdo cunug wanaagsan???


Waa in ey safka hore galaan, si looga warqabo, hadii gadaal lamariyo waaba sida ey  rabeen oo waa ciyaarayaan.


Sikasta ey masjidka ugu ordaan ama ugu bood boodaan wax dhib ah kuma jiro, oo hadii aan lala hadlin asaa iska dhaafi doono, lakin hadii lagu qeyliyo laga ceeriyo masjidka waxa uu   aadayaa meelaha xun xun sida shaneemooyinka & isbaarooyinka.


Ogaaw masjidka waa meesha cunuga ku kala baran  karo wanaaga & xumaanta wax ey yihiin.cunuga oo aad la sheekeesataa ama waqti la qaadataa waxa ey aktiisa uga dhigantahay wax weyn oo kalsooni ayuu ka helaayaa.


FADLAN CARUURTA TAKOORKA HALAGA DAAYO.


No comments:

Post a Comment