Ayadoo Soomaaliya tahay wadanka aduunka ugu saboolsan hadana Dadkiisu waa dad markasta la jaanqaada Horumar ka aduunka ka jira.
Tusaale wadankeena waxaa ka jira isgaarsiinta ugu balaaran Afrika, internet xawaarihiisu sareeyo ( High Speed Internet).
Iskaba daa dadka qaan gaarka ah caruurta da'doodu u dhaxeeso 10-15 sano waxa ey ku xariiraan Baraha Bulshada ( Social Networks) sida Facebook, Imo, Instagram, Whatsapp, Viber, IWM.
Ayadoo Horumarkaas jira hadana dadkeyga ugama faa'iideestaan sida wanaagsan, tusaale Aduunka Baraha Bulshada waa meesha laga hago Dowladda, waa halka lagu gudbiyo aragtida wanaagsan ee wax dhiseesa.
Waan amaanaa sidii ey uga dhiidhiyeen ugana hadleen ayagoo adeegsanaao Baraha Bulshada gaar ahaan FACEBOOK GA falkii ey sameeyeen Gobaladda Waqooyi ee ahaa in ey celiyaan shacabkii Soomaaliyeed ee kasoo cararaayay dagaalka YAMAN ka socda, walow eysan isku balansan mudaharaad arintaas ka dhan ah.
Bal si fiican ugu fiirso soomaalidu waxa ey LIKE dhahaan wax eysan akhrin, fahmin ama eysan ka helin, waxa ey COMMENT ka dhiibtaan aragti eysan fahansaneen.
Maka hadlaan dhibka heesta, fakir kama dhiibtaan waxa waaangsan.
Wax yaalaha aan aadka ula yaabo waxaa ka mid ah Nin caan ka ah soomaaliya aa qoraal dheer soo qoraayo oo ugu yaraan lagu akhrin karo 2 daqiiqo, waxaad arkee ayadoo 1 daqiiqo la gaarin in ey 10 qof LIKE dhahday, bal maxey dadkaas LIKE dhaheen??? ma yaqaanaan!!!
Dhibaatada ugu weyn ayaa ah in ey soomaalidu ku qarash gareeso BARAHA BULSHADA waqti aad u badan (ugu yaraan 10 saac maalintii).
Ugu danbeentii aan dhamaanteen u wada isticmaalno Baraha Bulshada si wanaagsan oo aan wax uga badalno wadankeena dhibka ku jira & dadkeena , oo aan wadaagno fakiro wadanka wax looga badli karo. si gaar ah dadka jecel DADKOODA & DALKOODA fadlaan aan is aruursano.
Sido kale qiimo hanoo yeelato LIKE TA & COMMENT GA oo aan siino hadalkii ama sawirkii muta.
MAHADSANIDIIN.
Ayadoo wax kasta uu ALLAH SW hago, hadana Caruurta markasta waxa lagu abaabiyo (bar-baariyo) ayey ku koraan.
Tusaale cunuga haduu ku koro guri waalidkii ey yihiin kuwa dagan oo isjecel isla markaana wax bartay dhan maadi iyo dhan diini & deegaan dadkiisu saas yihiin, Cunugaas waxa laga filan karo ayaa ah in uu waalidkiis & deegaankaas dhaqankooda raaco insha ALLAH.
Xiligii Nabigeena NNKH caruurta waxaa la siin jiray mudnaan, oo waxaa loo ka xeenjiray MASAAJIDA, meelaha dadka isugu imaadaan si caruurtaas ey ugu barbaaraan jawigaas.
Xitaa waxa ey talooyin ka dhiiban jireen meealaha talada ey ka dhiibanayaan dadka waaween.Aan usoo dago dulucda hadalkeyga, halkaan soomaaliya, ma ahan meel waxaas wanaagsan ee aan ka soo sheekeeyay ey ka jiraaan bal cagsigeeda aa ka jirto.
Caruurata malahan daryeel, maheestaan qof ey ku daydaan oo qofkii ey ku dayan lahaayeen waqtina lama qaadanayo, mana ogala in uu meel uu isago joogo ey yimadaan caruurta.Caruurta la lama sheekeesto, looma ogalo meelaha wanaaga ka jira in ey tagaan sida masaajida & goobaha kale ee kheyrka.
Waxaad arkeesaa hadaad xamar joogto in caruurta masaajida loo diidaayo, oo la dhahaayo caruurta gadaal ha maraan oo safafka hore lagala baxaayo ama si toos ah loo dhahaayo masaajidka ma imaan karaan caruur.
Su'aal???
Cunuga hadii masjidka laga ceyriyo ama safafka danbe la geeyo sidee baa loo raba in uu bari noqdo cunug wanaagsan???
Waa in ey safka hore galaan, si looga warqabo, hadii gadaal lamariyo waaba sida ey rabeen oo waa ciyaarayaan.
Sikasta ey masjidka ugu ordaan ama ugu bood boodaan wax dhib ah kuma jiro, oo hadii aan lala hadlin asaa iska dhaafi doono, lakin hadii lagu qeyliyo laga ceeriyo masjidka waxa uu aadayaa meelaha xun xun sida shaneemooyinka & isbaarooyinka.
Ogaaw masjidka waa meesha cunuga ku kala baran karo wanaaga & xumaanta wax ey yihiin.cunuga oo aad la sheekeesataa ama waqti la qaadataa waxa ey aktiisa uga dhigantahay wax weyn oo kalsooni ayuu ka helaayaa.
FADLAN CARUURTA TAKOORKA HALAGA DAAYO.