Saturday, March 28, 2015

MAALMO MURUGO BADAN.



malintii aan waayay qofkaan aduubka ugu jeclaa abahey  MOHAMED AUN.
malin murugo u eheed shacabka reer muqdishu.
maalmo cabsi badan.
maalmo dhiig badan oo soomaliyeed la daadiyay.



Waxa ey eheed maalin khamiis ah, taarikhduna eheed 29 march 2007.
Waxaan fasax ka ahaa iskuulka.
waxaan aday garoonka kubada cagta ee Muqdishu oo u jiray guriga aan dagneen wax aan dhameen 70 talaabo.

dadka xafada xoogaa waxa ey muujinaayeen cabsi oo waxadba ka dareemi kartay garoonka oo dad badani ma joogin maalintaas ayadoo khamiis ah , sabab too ah waxaa laga cabsi qabay Ciidamada ITOOBIYAANKA oo rabeen in ey qabsadaan garoonka kubada cagta ee muqdishu, madama garuunka ahaa mid ku fadhiya dhul weyn isla markaana shub ah oo ciidamadu faariisin fiican u noqon karta, & meelo kale oo magalada ka mid ah.


waxaa difaac ku jiray ciidamada MUQAAWAMADA & kuwo qabiil u abaabulnaa, waxa eyna difaac uga jireen isgooska CALI KAMIIN oo wax aan badneen u jira garoonka.



waxaa bilaabatay daryanka xabadaha, sida, madaxfiicda, taangiyaasha, qoryaha yar i.w.m.



waxaan ku soo cararnay guri naga soo horjeeday oo dabaq ahaa, kaas oo aan maciin bidnay.
Guriga ma aheen mid awood u leh in uu celiyo hubka soo dhacaayo, lakin nafta aa lagu sasabaayay.

ugu yaraan markuu saacad socday, aa waxaa isoo wacay aabe, waxa uuna i dhahay xagee joogtaa? guriga naga soo horjeedo aan wada joognaa aabe ayaan dhahay oo ku ganbaneenaa. Waxa uu iyiri halkaas jooga, waa idin soo socdaa. Haye aabe ayaan dhahay.


Hawada,  mobile ka malees wici  karin oo qadka ayaa mashquul ahaa, qofka aad rabto in aad wacdo dhi badan ayaad ka mareesaa.


wax yar ayaan seexday, markaan soo kacay waxaa eedadey ii sheegtay in aabe dhaawac yahay, aad ayaan u naxay.


dagalkii ayaa cuslaaday, daryankii madaxaafiicda waa noo soo dhawaadeen, waxaan go'ansanay in aan ka baxno guriga, qof waliba wixii uu awooday ayuu soo qaatay, waxaan qabanay SUUQA BAKARAHA, Mar aan dhax sii mareena ayaa aderkey i dhahay war Zakariyow gurigii ku laabo ee tuugada ka ilaali, waa yahay ayaan dhahay.

waxaan u imid asxaab dhalinyaro xafada ah oo ayagana ilaalinaayaan xafadadoohada.



Maalinkii oo dhan waxaa socday Dagalkii.


mar ey tahay Maqribkii ayaa waxaa isoo wacday eedadey oo ii sheegtay war naxdin lahaa kaas oo ah in uu Abe geeriyooday.

waan aamusay, hadlkii ayaa igu dhagay, asxaabtii aan la joogay waa dareemeen in wax la ii soo sheegay, waa ey i weydiiyeen?, waan ka aamus, wey igu cel celiyeen, uga danbeena waan u sheegay.


habeenkii waxaa seexanay xafad xoogaa ka fog xafadeenii madama xafadeena u dhaweed garoonka kubada cagata Muqdishu.

subaxii waxaa ku soo dheelmaday SUUQA BAKARAHA, Halkaas oo ey cidu dagtay.


meetka aabe waxa uu yaalay hospitlka shifaa ee aga gaarka warshada baastada.

nasiib daro ma raacin dadkii aaday meetka, sababo dagaalka oo socday & waalidkey oo ii diiday in aan baxo, waxaan iska joogay suuqa bakara, halkaas oo aan ooyin & murugo badan ku qaatay.

waxaa lagu aasay aabahey qabuuraha barakaat.


dagaalku waa socday ilaa 9 bari, halkaas oo ey ku dhamaadeen  shacab badan oo soomaaliyeed,eyna ku baa ba'day hanti badan oo soomaaliyeed, haka reebin baqti badan oo cadawga ahan waa ku dhamaadeen.


waxa-yaalaha sida gaarka aan u xasuuto ayaa ah in maalintii 2aad ee dagaalka ee jimcaha eheed in la soo riday dayuurad dagaal oo cadawgu watay.

9 bari oo ey san waligood hilmaami doonin shacabka soomaaliyeed gaar ahaan reer muqdishu.


duulaankaas waxaa qofka kasta oo muqdishu dagan ka soo gaaray dhib aha ahaato in uu ku waayay walidiintiis, asxaabtiis, qarabadiis, hantidiis, hanti ehelkiis ama ugu yaraan uu kasoo barakacay halkii uu daganaa.



8 sano kadib, madama garaadkeyga kor usoo kacay waxaan gartay in aan qormadaan ka diyaariyo oo aan xasuusto dadkii nalaga laayay.


ugu danbeentii waxaan qof waliba oo akhriya maqaalkaan ka codsanayaa in uu u duceeyo dadkii xaqdarada lagu laayay ee soomaliyeed.

ilahow u naxriiso oo janadaadii gey aamiiiin.








Thursday, March 26, 2015

MAGACEYGA.

qormadaan waxaan uga hadli doonaa magaceyga iyo abtiriskeyga oo dad badan i weydiiyeen, sidaas darteed ayaan qormadaan usoo qoray.



magaceyga waa Zakaria Mohamed Ahmed.

hadaba Zaki Hurre Baadi muxuu yahay ayaa durba isweydiineesaa? 

ha deg degin waan kuu soo wadaaa.


Zaki waa zakaria oo lasoo gabiyay.
Hurre waa naaneesta aabahey Mohamed AUN.
Baadi waa naanesta qoyska oo awowgey 2aad ayaa la oran jiray Nur baadi.