Wednesday, April 8, 2015

17 dhalinyaro??? maxaa ku dhacay?

kadib markii xilka laga qaaday duqii hore ee muqdishu Mudane Tarsan, ee lamagacaabay Mudane Muungaab, oo isganua daaqada ka bixiyay gudoomiyaashii hore ee degmooyinka xamar, oo uu keenay 17 dhalinyaro ah oo badankood jaamiciyiin, dadweynahu  aad ayey usoo dhaweeyeen.

maxaa loo soo dhaweeyay?

1. Waxa ey ahaayeen dhalinyaro, oo waxaa lees lahaa wax badan ayey qaban doonaan madama ey fresh dhan waliba ka yihiin.
2.  Waxa ey ahaayeen dad wax bartay oo waxaa la islahaa wax badan ayey badali doonaan.

maxaa lagu nacay 17 kii hore?

1. Waxa ey ahaayeen kuwo  hogaami kooxeedyo soo ahaan jiray ama la shaqeen jiray qab qable dagaal.
2. Aqoon malaheen.


hadaba mudada sanadka ah ey joogaan dhalinyaradaan runtii wixii laga filaayay ma eysan qaban ama xitaa wax u dhaw.


dadku waxa ey leeyihiin kuwii hore ayaaa dhaama.


wax yaalaha aan aadka ula yaabay waxaa ka mid ah malin ayaan ka qeeb galay aroos ka dhacaayay hotelada xamar mid ka mid ah, waxaa ka soo qeeb galay 2 gudomiye degmo, ku darso hotela ka meesha uu ku yaalo 2 da gudomiye mid koodna ma ahan degmadii uu maamulaayay. arooska wax ey joogeen mudo ka badan 3 saac oo eheed intaan aniga joogay, waxaan ka tagay ayagoo joogaan.




waxaan kaloo aad ula yaabay in qaarkood ey daganyihiin meel aan eheen degmada uu ka arimiyo.




hadaba siduu ku ogaan karaa sida ey degmadiisa xalay ku seexatay?iyo sida ey ku soo toostay.

habeen kasta ka fiiri xeebta liido ama city palace hotel.



runti hadaa nahay dhalinyaro waa na fashiliyeen 17 kaas dhalinyaro.


mar kale aan boorka iska jafi doonaayee yaa naloo qaban wixii ey geestaan.

Saturday, April 4, 2015

MA DOWLAD BAA???


waxaan dhashay bilaawgii burburkii dowladii dhaxe ee somaliya.

ma arkin dowlad dhaxe oo shaqeeneeso.

waxaan ku soo bar baaray wadan uusan nidaam ka jirin mudo badan.

saas ey tahay waan aqaanaa waxa dowladi ey tahay, & waxa ey qabato.

aqoonshahaagaas an dowlada u leeyahay ma ahan mid aan arkay ee waa mid aan akhristay & mid heybad ah uu ilaahey igu maneestay.

dowladihii soomaaliya soo maray ee kumeel gaarka ahaa & tan aan ku meel gaarka eheen ba waxey ka simanyihiin qodobadaan:

 1. Caafimaad la'aan.
 2. Waxbarasho bilaash oo aanan jirin.
 3. Amni daro.
 4. Nadaafad daro.
 5. Xuquuqda muwaadinka oo wax u dooda laheen.
 6. Garsoor laaluush qaato ah.
 7. ciidamadu ma heestaan daryeel.
 8, xuduudada wadanka wax ilaaliyo malahan,

ogaawna dowladahaas waxey qaadayeen canshuur, dowladaha deeqaha bixiyana lacag ayey ka soo qaadan jireen oo tira badan.


ku darso mushaar caqligaaga diidayana waa qaataan oo madaxda dhigoodaha ee ka hormarsan eysan qaadan.