Saturday, April 4, 2015

MA DOWLAD BAA???


waxaan dhashay bilaawgii burburkii dowladii dhaxe ee somaliya.

ma arkin dowlad dhaxe oo shaqeeneeso.

waxaan ku soo bar baaray wadan uusan nidaam ka jirin mudo badan.

saas ey tahay waan aqaanaa waxa dowladi ey tahay, & waxa ey qabato.

aqoonshahaagaas an dowlada u leeyahay ma ahan mid aan arkay ee waa mid aan akhristay & mid heybad ah uu ilaahey igu maneestay.

dowladihii soomaaliya soo maray ee kumeel gaarka ahaa & tan aan ku meel gaarka eheen ba waxey ka simanyihiin qodobadaan:

 1. Caafimaad la'aan.
 2. Waxbarasho bilaash oo aanan jirin.
 3. Amni daro.
 4. Nadaafad daro.
 5. Xuquuqda muwaadinka oo wax u dooda laheen.
 6. Garsoor laaluush qaato ah.
 7. ciidamadu ma heestaan daryeel.
 8, xuduudada wadanka wax ilaaliyo malahan,

ogaawna dowladahaas waxey qaadayeen canshuur, dowladaha deeqaha bixiyana lacag ayey ka soo qaadan jireen oo tira badan.


ku darso mushaar caqligaaga diidayana waa qaataan oo madaxda dhigoodaha ee ka hormarsan eysan qaadan.






No comments:

Post a Comment