Wednesday, June 24, 2015

BARAHA BULSHADA (SOCIAL NETWORKS)


Ayadoo Soomaaliya tahay  wadanka aduunka ugu  saboolsan hadana Dadkiisu waa dad markasta la jaanqaada Horumar  ka  aduunka ka jira.


Tusaale  wadankeena   waxaa ka jira isgaarsiinta   ugu  balaaran Afrika, internet  xawaarihiisu sareeyo (  High Speed Internet).


Iskaba daa dadka qaan gaarka ah  caruurta da'doodu u dhaxeeso 10-15  sano waxa  ey ku xariiraan Baraha Bulshada ( Social Networks) sida Facebook, Imo, Instagram, Whatsapp, Viber, IWM.



Ayadoo Horumarkaas jira hadana dadkeyga ugama faa'iideestaan sida wanaagsan, tusaale Aduunka Baraha Bulshada waa meesha laga hago Dowladda, waa halka lagu gudbiyo aragtida wanaagsan ee wax dhiseesa.



Waan amaanaa  sidii ey uga dhiidhiyeen  ugana hadleen ayagoo adeegsanaao Baraha Bulshada gaar ahaan FACEBOOK GA falkii ey sameeyeen Gobaladda  Waqooyi  ee ahaa in ey celiyaan shacabkii  Soomaaliyeed ee kasoo cararaayay dagaalka YAMAN ka socda, walow eysan isku balansan  mudaharaad  arintaas ka dhan ah.



Bal si fiican ugu fiirso soomaalidu waxa  ey LIKE  dhahaan wax  eysan  akhrin, fahmin ama eysan ka helin, waxa ey COMMENT ka dhiibtaan aragti eysan fahansaneen.



Maka  hadlaan dhibka heesta, fakir  kama dhiibtaan waxa waaangsan.



Wax yaalaha aan aadka ula yaabo waxaa ka mid ah Nin caan ka ah soomaaliya aa qoraal dheer soo qoraayo oo ugu yaraan lagu akhrin karo 2 daqiiqo, waxaad arkee ayadoo 1 daqiiqo la gaarin in ey 10 qof LIKE dhahday, bal maxey dadkaas LIKE dhaheen??? ma yaqaanaan!!!



Dhibaatada ugu weyn ayaa ah in ey soomaalidu ku qarash gareeso BARAHA BULSHADA waqti aad  u  badan (ugu  yaraan 10 saac  maalintii).


Ugu danbeentii aan dhamaanteen u wada isticmaalno  Baraha Bulshada  si wanaagsan oo aan  wax uga badalno wadankeena dhibka ku jira & dadkeena , oo  aan wadaagno fakiro wadanka wax looga badli karo. si gaar  ah dadka jecel DADKOODA &  DALKOODA fadlaan aan is aruursano.



Sido kale qiimo hanoo yeelato LIKE TA   & COMMENT GA  oo aan siino hadalkii ama sawirkii muta.


MAHADSANIDIIN.



No comments:

Post a Comment